Maanta waxaa duleedka magaalada ka qabsoomay munaasabad qado sharaf ah oo ay iskugu yimaadeen Culimada Magaalada iyo Masuuliyiinta Maamulka Magaalada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Culimada, shacabka iyo Maamulka, si loo helo bulsho mideysan oo si wadajir ah uga shaqaysa horumarka, nabadda iyo danaha guud ee bulshada.
Masuuliyiinta iyo Culimadu waxay isla garteen in wadajirka iyo isfahamku yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo horumar waara, islamarkaana ay muhiim tahay in bulshada lagu hago waddo sax ah oo ku dhisan diinta, wanaagga iyo iskaashiga.
Culimadu waxay door muuqda oo muhiim ah ka qaataan jihaynta iyo baraarujinta bulshada, maadaama ay yihiin hoggaanka ay shacabku ku daydaan kana dhegaystaan talada iyo tilmaamaha wanaagga leh. Sidoo kale maamulka magaalada ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay la shaqaynta Culimada si loo adkeeyo nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka deegaanka.
Kulanka qado sharafta ah ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad, isjacayl iyo is afgarad leh, iyadoo dhammaan dhinacyadu muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta midnimada iyo wada shaqaynta bulshada dhexdeeda.
Leave Your Comment