Xafiiska Caafimaadka Maamulka Magaalada ayaa maanta xarumaha caafimaadka ku wareejiyay agab caafimaad oo kala duwan. Agabkan ayaa lagu xoojinayaa adeegyada caafimaadka si bulshada loo gaarsiiyo adeeg hufan.
Qalabka la qaybiyay waxaa kamid ah, CBC Machine, Chemistry Machine l, Delivery Couches , Pulse Oximeters, Comprehensive Health Post Kits iyo Mootooyin.
Agabkan cusub ayaa si weyn uga qeyb qaadan doona daboolidda baahiyaha caafimaad ee jira, gaar ahaan adeegyada shaybaadhka, hooyada iyo dhallaanka, iyo adeegyada caafimaadka aas-aasiga ah.
Munaasabadda wareejinta qalabka waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Duqa Magaalada Mudane Abdixakiin Macalin iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka Mudane Cabdinur Shariif, kuwaas oo qalabka ku wareejiyay xarumaha caafimaadka ee xafada 06aad iyo xarunta xafada 8aad si kor loogu qaado adeegyada ay bulshada u fidiyaan.
Sidoo kale, Duqa Magaalada ayaa kormeer ku sameeyay adeegyada la bixiyo, xaaladda qalabka caafimaadka iyo kaydka dawooyinka yaalla bakhaarka, si loo hubiyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada loo hayo.
Leave Your Comment