Ciyaar Saaxiibtinimo oo ka Dhacday Maanta Magaalada Dhagaxbuur
June 2, 2021

Dhagaxbuur—Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo.Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay isu soo baxaasi oo ay soo qabanqaabiyeen bulshada magaalada Dhagaxbuur, kuwaas oo si cad u muujinayay taageerada ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiinta uu xisbigu u soo xulay magaalada iyo gobolka.Bulshada iyo masharixiinta ayaa socod kudhex maray wadada halbowlaha ah ee magaalada. Shacabka isu soo baxay ayaana qiray in taageero dhinac walba ah ay la garab joogaan Xisbiga Barwaaqo oo ay dooranayaan.


Leave Your Comment